Maxad kala socotaa taarikhdii abdirishid cali sharmarke oo kooban


Bishii October 15,keedii Sanadkii 1969,kii waqtigaas oo la diley ayaa waxaa dhacdey in Dawladii uu ka ahaa Ra,iisul Wasaaraha Sanadkii 1963,kii labadii bil ee ugu dambeeysay sannadkaas ayaa waxaa dhamaaday Miisaaniyadii Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, Mushaar la’aantaa waxaa banaan baxyo joogta ah ka sameeyay Shaqaalihii Dowlada,labadaa bil ee lacagta ka gaabatay Miisaaniyada.
Dr.Cabdirashiid Cali Sharma,arke alaha u naxariistee oo Ra,iisal wasaare kasoo noqdey soomaaliya Bishii July 2,deedii Sanadkii 1960,kii ilaa Bishii June 14,keedii.Sanadkii 1964,kii markii dambena noqdey madaxweynaha soomaliya Bishii June 10,keedii sanadkii 1967,kii ilaa
Waxaa la cadeeyay in aan la Lunsan wax lacag ah oo si sharci ah ay qeyba kale ugu baxday oo ka baxsan Miisaaniyad sanadeedkii 1963,kii waxaana Ra,iisal Wasaare Cabdirashiid uu weeydiistay Bangiga dhexe in ay sii bixiyaan labadaa bil ee dhiman lacagtaa oo aheyd 800.000 shilin.soomaali,waa uu diiday Bangiga dhexe in uu bixiyo lacag aan ku qorneyn miisaaniyadii bilawga sannadka Baarlamaanku ansixiyay,ilaa Baarlamanku Go’aan kale ka soo saaro.
Ra,iisal Wasaare Sharma,arke waxaa uu codsigiisii horgeeyay Barlamaanka oo Fadhi aan caadi aheeyn ka qaatay arrinta,mar kale Baarlamaankii waa diiday wax ka baxsan Miisaaniyada hore in dowlada loo ogolaado.
Baarlamankaasi waqtigaa jirey waa ka aqoon yaraa kan Maanta soomaaliya ka jira waxayse dareemayeen masuuliyadaa xilka saaran,waxaa ka yaab badan 50 sano ku dhawaad kadib Ra,iisal Wasaare Cabdirashiid,wiilkiisa Cumar Cabdriashiid ayaa qabtay xilkii Aabahii berigaa haayay ee Ra,iisal wasaaraha ah waqtigii madaxweyne sheekh shariif oo uu xafiiska fadhiyey Bishii February 14,keedii Sanadkii 2009,kii ilaa bishii September 21,keedii Sanadkii 2010,kii iyo waqtigan madaxweyne xasan sheekh oo mar kale ra,iisal wasaare uu u magacaabey Bishii December 24,keedii Sanadkii 2014,kii waxaana jirta in cumar cabdirashiid labada jeer ee xilka ra,iisal wasaaraha loo magacaabey in uu wax Mushaar siin dhawr bilood Shaqaalahii Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo guud ahaan shaqaalaha dawlada ee rayid iyo ciidanba leh cidina kuma banaan bixin ( Waa Horumarka Maamul ee aan gaarnay ku dhawaad 50 sanno kadib in la helo Shaqaale aan Mushaar u baahneeyn).
Xigasho: Prof. yaxye sheekh caamir.

Comments

Popular posts from this blog