Fadlan walal aqri sheekadan dhexmartay
Fadlan isku day in aad Aqriso, ninkani sida loo liiday iyo sida uu u guuleystay,
Tomas Edison Wiilkii Maamulihiisii Dugsigu uu ku sheegey Wiil Doqon ah oo Caqliga wax uga Dhimanyihiin ayaa markii dambe noqdey Ninkii Ikhtiraacay aalada loo yaqaano ( Phonograph ) kaas oo sameeya duubista codka iyadoo ikhtiraaciisii ugu waynaaa ee ilaa hada lagu xasuusto uu ahaa Laambada ( Lamp ) (electrical component) ( Fadlan Walaal Aqri Qisadan Qiimaha Badan )
Thomas Alva Edison waa nin u dhashey dalka mareykanka waxaase asalkiisia uu kasoo jeedaa wadanka Holland waxaana uu ku dhasahy tuulo lagu magacaabo Milan oo ka tirsan Gobolka Ohio ee wadanka mareykanka Bishii February 11,keedii Sanadkii 1847,kii waxaana uu ku dhintey degmada West Orange ee Gobolka New Jersey ee dalka mareykanka Bishii October 18,kedii.Sanadkii 1931,kii.
Yaraantiisii waxba kamuu baran dugsiyada ay dawladu maamusho sadex bilood mooyee waxaana Maamulihii dugsiga uu dhigan jirey wiilkan Thomas Alva Edison uu ku sheegey in uu yahay wiil doqona oo caqliga wax uga dhimanyihiin.
ka dib markii dugsiga laga eryay waxaa si fiican u xanaaneysay hooyadii waxaana markaa kadib Thomas uu muujiyay fariidnimo iyo maskax badni halkaas oo uu Caalamka ku soo kordhiyay waxyaabo badan oo maanta faa,iidooyin badan ugu fadhiya dunida waxaana waxyaabaha uu alifay Thomas Edison ka mid ah Lambada Nalka ama Leyrka.Meykrifoonka iyo Madbacada maanta wax lagu daabaco.
Ninkani la yiraahdo Thomas Alva Edison noloshiisii.waxa uu ka bilaabay shaqada iibinta Wargeysyada oo uu ku iibin jiray barta ay tareenadu ka baxaan waxaana uu arkay oo soo jiitey sida wax loo daabaco waxuuna sanadkii 1862,kii uu bilaabay in uu soo saaro wargeys uu ugu magacdaray (Grand Trunk Herald)
Mr Thomas Edison wax kasta oo uu sameeynayey ilaahey ka sakow waxaa mudnaanta koobaad lahayd hooyadii oo ahayd macalin bara dadka suugaanta iyo gabayada iyo sida wax loo akhriyo.hooyadan aadka u fiicaneyd iyadaa wiilkeeda wax bartay kadib markii macalimiintii dugsigu soo eryeen iyagoo ku sheegey dabaal aan waxba baranayn hadana si kasta oo ay maamulkii iyo macalimiintii dugsigii uu dhiganayey Thomas ay ku sheegeen doqon misana hooyadii waxay u jecleyd si aad u weyn.
Intii uu Thomas ku jirey halgankii noloshiisa waxa kale oo uu kasoo sheqeeyay goob laga diro Telifoonada oo ku taalay goobta laga raaco tareenada taas oo u sahashay in uu sameeyo aalada la yiraahdo ( Telegrapher ) tiligaraaf guulo ayuuna ka gaaray shaqadiisa waxaana kadib uu u guuray magaalda Boston ee gobolka Massachusetts waxaana uu Sanadkii 1876,kii halkaas ka aasaasay xarun cilmi baaris ah waxaanu ku ikhtiraacay aalada looyaqaano ( Phonograph ) kaas oo sameeya duubista codka isagoo labo sano ka dibna ku guuleystey Ikhtiraaciisii ugu waynaaa ee ilaa hada lagu xasuusto kaas oo ahaa Laambada Nalka ama Leyrka Lamp (electrical component) dhab ahaantiina ninkani Mr Thomas Edison dunida kusoo kordhiyey qalabyo si weyn ilaa hada aadamaha uu uga faa,iideysto.
Qoraalkani waxaa ka soo xigtay Walaalkey Saxafi Sare Cabdulaahi Nuur Colombo bogiisa Facebook

Comments
Post a Comment