SOMALIDII HORE WAXAY AHAYEEN GEESIYAAAL AAN GANBAN WAXAYNA AHAYEEN DAD MORAL LEH KANA DHIIDHI JIRAY GUMEYSTAHA

Markay taariikhdu ahayd dabayaaqadii sanadihii 1940,meyadii oo ku beegneyd markii uu Boqorkii hore ee dalka Ethiopia Xayle Salaase dib u qabsaday dhulka Soomaalida (Hawd and Reserve Area) ayaa waxaa dhacdey in Boqorku uu magaalada Wardheer yimid. Odayadii soomaalida ayuu la shiray, wuxuuna ku yiri

“Iskoolo ayaa la-idiin furayaa oo Af Xabashiga ayaa la idin baridoonaa.”
Markii uu sidaa yiri Boqor Xayle Salaase ayaa waxaa u jawaabey isagoo ay ka muuqato qab iyo isku kalsooni nin ka mid ahaa madax dhaqameedyada soomaalida oo la oran jirey Suldaan Cali Saafi waxuuna ugu Jawaabey sidan:
“Xayle maxaad Af Xabashiga nabari, anagaaba Carabi, Ingriis iyo
Talyaani naqaanee,” isagoo markaa ula danlahaa Axmaaro anagabaa ka
ilbaxsan….
sidoo kale waxaa dhacdey nin la yiraahdo Garaad Yoonis Garaad Xasan oo ka mid ahaa madax dhaqameedka somalida galbeed ayaa waxey kulmeen madaxweynahii hore ee dalka Ethiopia Mangistu Xayle Mariyam oo aad looga cabsan ama baqan jirey isagoo Mingistu intuu xukunka haayey laayey dad badan waxaana madaxweyne Mingistu uu nabadoonku ku yiri wax dambe oo nabadoon la yiraah majiro.
Garaad Yoonis oo u jawaabaya madaxweyne Mangistu Xayle Mariyam ayaa waxuu yiri:
“Markii horeba adigu nabadoon igamaaad dhigin, hadana igama qaadi kartid.” Intuu madaxweyne Mangistu isku yax-yaxey buu yiri, “maanta
waxii laga bilaabo Garaad Yoonis oo kaliya ayaa nabadoon ah.
saaxiibayaal ragii hore ee soomaliyeed ama madax dawlad ha ahaadeen ama hogaan dhaqan sidaas ayey heybad iyo qab u lahaayeen una dhawri jireen sharafta iyo karaamada umadda soomaaliyeed.
Xigasho: Qoraa Faysal Cabdi Rooble.

Comments

Popular posts from this blog