Nin Ka Mid ahaa Ragii Aas-Aasay Ururka Xamaas ee Falastiin lana Dagaalama Yahuuda oo Dhinaca Kalena ahaa Basaas u Shaqeeyn Jirey Sirdoonka Yahuuda. ( Fadlan Walaal Akhri Qeybtii Koowaad ee Warbixin Arimahaas la Xiriirta. )

Nin Ka Mid ahaa Ragii Aas-Aasay Ururka Xamaas ee Falastiin lana Dagaalama Yahuuda oo Dhinaca Kalena ahaa Basaas u Shaqeeyn Jirey Sirdoonka Yahuuda. ( Fadlan Walaal Akhri Qeybtii Koowaad ee Warbixin Arimahaas la Xiriirta.
Waayaha aduunku maalinba waxbaa laga bartaa, mar walibana wax aadan filayn ayaa kaa soo mara, qofka dhugta ama caqliga leh wuxuu ka dhaxlaa dhaayo anfaca, dhagar badanna wuu kaga badbaadaa.Waxaan jeclahay halkan inaan ku soo gudbiyo qiso dhacday oo dhakafaar badan, waxaana ku soo gunaanadi doonaa – in sha Allaah – casharro faa’iido badan leh.
Warbixintan waxaan uga dan leeyahay in aan damanaan lagugu dagin, in dunida dhacdooyin badan oo dhalanteed ahna aan laguugu dhuuman. Qissada warbixintan Xarakada Xamaas iyo Xuuraanka gudaheeda waxa ay ku bilaabaneysaa sidan.
Xamaas waa urur Islaami ah oo ka jira dalka Falastiin, wuxuu la dagaalama Yuhuudda, wuxuuna hadda maamulaa marinka Qazza. Waxaa aasaasay rag intii badnayd ay dhinteen ama la dilay, waxaana oday u ahaa Sheekh Axmed Yaasiin raximahulaah oo ay ciidamada Yuhuudu dileen.
Hadaba waxaa jiray dad ka mid ahaa reer Falastiin, ama ururka Xamaas oo hadana dhinaca kale la shaqaynayey sirdoonka Yuhuudda. Dhacdadan markii aan aqriyey ayaa waxaan xasuustay hal qabsi la yiraahdo ” Maxaa tuug shaafiin qaadi ” oo ah in waxa qofku muujinayo iyo dhabtiisu kala duwanyihiin.Waxaa ” shaafiin ” la yiraahdaa ducada ay ardayda quraanku qaadi jireen Maqribkii.
Waxaa la sheegaa in beri ardaydii qaar ka mid ah Beer Gallay ah ka soo xadeen Sabuullo, dabeedna waxaa soo raad qaaday ninkii lahaa beerta, wuxuuna la soo kulmay ardaydii dugsiga ayagoo qaadaya “shaafiinta” maqribkii, markaasaa inta ay isu qaban wayday sida ay u dhaqmayaan ayuu yiri ” Maxaa tuugo shaafiin qaadi “, waxayna noqotay halqabsi looga maahmaaho deegaanadii uu hadalkani gaaray.
Waxaa hadaba jirta in maalin maalmaha ka mid ah gacantayda uu soo galay kitaab uu qoray nin saxafi ama weriye ah oo reer Falastiin, ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Zaki Shihaab, kitaabkiisana lagu magacaabo ” Xamaas Gudaheeda = (حماس من الداخل ), wuxuuna ka kooban yahay ( 287 bog ).
Haddaan akhriyay kitaabkii waxaan la yaabay inta tuug Shaafiin qaadaysa ee uu ka sheekeeyay, waxaana kaga soo qaadanayaa qoraalkan hal tusaale kaliya.Haddaad aqrido qissada ninka xamaas ka tirsanaa dhinaca kalase basaas u ahaa yahuuda ee magaciisu ahaa Waliid Xamdiyah ( boga 104 -109 )  waxaad arkaysaa wax aad layaab u leh, hase ahaate dhaca in badan, haddiise aan kuu soo koobo qisadaas sidan ayey ku bilaabanaysaa:
Waliid Raadi Xamdiyah wuxuu ka soo baxay daraasaad Islaami ah waqti ku beegan sanadkii 1980-kii.Waxuuna ka mid noqday koox uu hogaaminayay Sheekh Axmed Yaasiin oo ku ballamay daacadnimo intii aan la samayn Xamaas, gun dhigna u ahayd xarakada Xamaas ee dib laga sameeyay Bishii Decembar Sanadkii 1987-kii, waxay lahaayeen ragan afgarad u gaar ah oo ay isku aqoonsadaan.Ninka la yiraahdo Waliid ayaa waxay isku dhaceen sanadkii 1986-kii nin ka tirsanaa xarakada Fatxi oo la dhihi jiray Ascad AL-Safdaawi, waqti uu jray khilaaf adag oo ka dhaxeeyay ayaa waxaa la qabtay Waliid Raadi Xamdiyah Bishii Oktoobar 6 markii ay aheyd Sanadkii 1987-kii waxaana uu gacanta u galay Yuhuudda, waxaa la kala dooransiiyay 2 midkood: In la marsiiyo ciqaabo aad u adag iyo in uu la shaqeeyo sirdoonka yahuuda, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo.
Waliid Xamdiyah waa la sii daayay, waxaana la siiyay telefoon uu kala soo xiriiro sirdoonka yahuuda, waxaana kadib dhex maray asaga iyo sirdoonka Yuhuudda kulamo ka dhacay meela kala duwan oo qarsoon.Wuxuu si aad ah uga qeyb qaatay kacdoonkii ay samaysay Xamaas sanadkii 1988-kii, waxaana dabeed qabtay sirdoonkii Yuhuudda Bishii August Sanadkii 1988-kii si looga fogeeyo tuhun, loona beero firkad ah in uu ka mid yahay dadka lagu raad joogo ee Xarakada Xamaas ka tirsanaa, wuxuu xirnaa 7 bilood.Waa la soo daayay Waliid Xamdiyah waxaana la siiyay lacag u dhiganta 30, Kun oo Dolar, waxaana loo bixiyay magaca ah "Abuu Jacfar" marka telefoon lagula xiriirayo.
Billoowgii Bisha May Sanadkii 1989-kii ayaa mar kale la qabqabtay isaga iyo rag muhiim ah oo ururka Xamaas ka tirsan si looga waraysto raggan la soo qabqabtay, loogana fogeeyo tuhun ah in uu ku lug lahaa qabashadooda ayaa wuxuu xabsiga ku jiray 4 bilood oo uu bixinayey wararkii uu uruuriyay.Waliid waxaa lagula ballamay meel kale markii la sii daayey kadib, waxuu soo qaatay gaari ku sharxan aayado quraan ah, iyo dhar culimo, waxaa laga waraystay sababta uu meel sare oo hoggaan uga qaban la’yahay ururka Xamaas? waxaa loo sheegay in la qabtay Masuulkii Dacwada ee Xamaas Booskiisiina bannaayahay oo ay tahay in uu qabto, dadaal kadib wuxuu ku guulaystay qabashada xilkaas.
Waxaa xilkaas ku lamaanaa dumitaanka iyo soo diiwaan galinta dadka cusub ee Xamaas, shaqadaas oo ah mid muhiim u ah Yuhuuda, lagana garan karo sababta ay ugu soo jeediyeen in uu dalbado qabashada xilkaas.
Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan la soco qeybta labaad Insha alah.  
Fadlan walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.
Qalinkii: Sheekh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli.

Comments

Popular posts from this blog