Wariye abdullahi nuur colombo muxu ka yiri xaalada somalia
Inkastoo aan ahay Suxufi waayo badan u soo joogay isbedeladii dalka ka dhacay gaar ahaana intii ka dambaysay bur burkii dawladii soomaaliya, haddana Damiirkeygu wuu i siin waayey in aan dhex-dhexaad ka noqdo dalkeygii oo uu Cadow haysto, waxaa dhab ah in taariikhdu iyadu ay is qorta waxaana lagu kaydiyaa diiwaano aad u badan, dib ayayna isu celcelisa waxayna dadka xusuusisaa dhacdooyin hore. Hadalkan sanadkii 2007 ayaan iri waqtigaasoo ciidamada Itoobiya ee Arxanka daran iyo halyeeyo gumeysi diid ah ay ku dagaalamayeen soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Bishii Disembar 20, markii ay aheyd sanadkii 2006 ayey ku beegneyd waqtigii kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya oo hub culus ku hubeysan ay soo galeen Soomaaliya halkaasoo intii ay ku sugnaayeen ay ka geysteen tacadiyo aad u balaaran sida xasuuqid dad shacab ah,dhaawacyo, barakicin iyo bur bur hantiyeed iyadoo xiligaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo caalamka ay ka joogeen ay ka dhiidhiyeen cadawga Itoobiya in ay qabsadaan dhulkeena hooyo ee Soomaaliya iyadoo ay jirtey in geesiyaal soomaaliyeed oo gudaha ku sugnaa ay dagaal kala hor yimaadeen.
Waqtigaa adkaa ee soomaaliya ay ku jirtay shaqsiyan waxaan ku sugnaa Gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaanan xiligaa ka mid ahaa dadkii soomaaliyeed ee aad uga gil gishay una diidanaa soo gelitaanka ciida Soomaaliyeed cadawga Itoobiya.
Hadaba dhawr saacadood ka hor ayaa anigoo daalacanaya e.mailo horey iigu keydsanaa ayaan ka dhex heley qoraal ka hadlayey mowqifkii aan waqtigaa ka qaatey ciidamada Itoobiya markii ay Soomaaliya soo galeen sanadkii 2006 waxaana aan jeclaystay walaalayaal inaan idinla wadaago qoraalkan arintaas ka hadlaya iyadoo waqtigaa mowqifkayga gumeysi diidka ah aan cadeystay saxaafadana aan la hadlay ay ku beegnayd Bishii Maarso 14-keedii Sanadkii 2007 xiligaasoo Itoobiya dagaalada soomaaliya ay ku bur burinaysey ay si xoog leh u waday waxaana warbaahinta soomaaliyeed qeybahooda kala duwan gaar ahan kuwa ka hawl galayey Magaalada Muqdisho dhawaaqa iga soo yeeray ay u faafiyeen sidan.
Cabdulahi Nur Maxamed (Colombo) oo ka mid ahaa weriyeyaashii ugu caansanaa ee soo maray Idaacadda Raadiyo Muqdisho xiligii dowladii hore ee Kacaanka, iminkana ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, ayaa xiriir uu la soo sameeyey maanta oo bisha maarso ay tahay 14 Sanadkan 2007 qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ku sugan ayuu waxuu ku muujiyey (ka muwaadin ahaan) in uu la xanuunsanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka, ee ay soo wajahday dhibaatooyinka isugu jirta "Dhimashada, Barakaca & Cudurada-ba", wuxuuna xusay in kuwa madaxda ah ee dalka ku soo hogaamiyey cadowga gumeysiga madow ee Itoobiya in ay yahiin daba dhilifyo lagu adeegto, wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacbiga Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney u istaagaan daaficida diinta iyo dalka hooyo.
Cabdulahi Nur Maxamed (Colombo) oo ka mid ahaa weriyeyaashii ugu caansanaa ee soo maray Idaacadda Raadiyo Muqdisho xiligii dowladii hore ee Kacaanka, iminkana ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, ayaa xiriir uu la soo sameeyey maanta oo bisha maarso ay tahay 14 Sanadkan 2007 qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ku sugan ayuu waxuu ku muujiyey (ka muwaadin ahaan) in uu la xanuunsanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka, ee ay soo wajahday dhibaatooyinka isugu jirta "Dhimashada, Barakaca & Cudurada-ba", wuxuuna xusay in kuwa madaxda ah ee dalka ku soo hogaamiyey cadowga gumeysiga madow ee Itoobiya in ay yahiin daba dhilifyo lagu adeegto, wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacbiga Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney u istaagaan daaficida diinta iyo dalka hooyo.
"Daba dhilifyada cadowga ku soo hogaamiyey dadka iyo dalka waxey noqon doonaan kuwa taariikhda ka gala baal madow, runtiina aad baan ugu xumahay dhibaatada xanuunka leh ee cadawga Itoobiya ay u geysanayaan shacbiga aan waxba galabsan ee Soomaaliya ku sugan gaar ahaana kuwa Muqdisho jooga waxaanan Mujaahidiinta diidan in soomaliya gumeysi la geliyo u rajeynayaa in EEBE ku guuleeyo halganka ay ku diidayaan gumeysiga, waxaana hubaa in qof kasta oo ay jirkiisu ku jirto wax yar oo dhiigiisa ka mid ah wadaniyad ah in uusan aqbali doonin in Soomaaliya oo dal xor ah in mar kale gumeysi la geliyo, shacabkuna si weyn buu uga dhiidhin doonaa in Itoobiya ay dalkeena xoog ku haysato waana waajib in wax kasta oo dalka looga xoreyn karo ay ku dhaqaaqaan shacbiga Soomaliyeed meel kasta oo caalamka ay ka joogaan" ayuu yiri Cabdulahi Colombo.
Suxufiga ruug cadaaga ah Cabdulahi Nur Colombo oo hadalkiisa sii wata waxuu yiri inkastoo aan ahey suxufi muddo dheer ku soo dhex jirey howsha saxaafada aadna xog-ogaal ugu ahaa isbedeladii dalka ka dhacay mudadii bur burka, haddana damiirkeygu wuu isiin waayey in aan dhexdhexaad ka noqdo dalkeygii oo uu cadow kusoo duulay uu haysto, haddii dalku cadow qabsadana waa waajib saaran qof kasta inuu dareenkiisa muujiyo waxaan jirta in shaqadeydii saxafanimo uga tagey Telefishan rag ganacsato ah leeyahiin oo aan ka hawl galayey oo xaruntiisa tahay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis ka dib markii rag maamulka ka tirsan aan isku qabanay inaan dhex dhexaad ka noqdo baahinta wararka la xiriira dagaalka u dhaxeeya ciidamada itoobiya iyo geesiyaasha soomaaliyeed ee kasoo horjeedey waxaana markaa go'aan aan ku gaarey inaan shaqadaa isaga tago anigoo muujinayey inaan marna raali ka noqonayn dalkeyga hooyo oo cadaw uu qabsadey inaan dhex dhexaad ka noqdo.
Ugu dambeyntii saxafiga soomaaliyeed Cabdulahi Nur Maxamed Colombo waxuu cadeeyey in talaabada uu qaatay ay tahay mid uu ku gudanayo waajibkiisa muwaadinimo ee soomaaliyeed intan iyo ka badan oo u hiilin ah ayeyna dalka iyo dadka soomaaliyeed igu leeyahiin ayuu yiri waxaana intaa uu raaciyey waxaan ku boorinayaa wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dacalada dunida in aysan indhaha ka daawan xaalada dalkeena ka jirta, iyadoo loo baahan yahay inaad doorkiina shariifka ah ka qaadataan u gurmashada u hiilinta iyo garab istaaga dhulkeena hooyo, shacabka iyo geesiyada soomaaliyeed ee la dagaalamaya cadawga Itoobiyana waxaan ugu baaqayaa in ay u dhabar adeygaan xaalada adag ee dalku ku sugan yahay Insha alahna Guusha waxaa heli doono umadda soomaaliyeed waxaana guuldaro xanuun badan ku dambeyn doona gumeysiga soo duulay ee Itoobiya kuwaasoo ciida soomaaliyeed ka bixi doono iyagoo duleysan.
Fadlan walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan ka hadlaya mowqifkii gumeysi diidka ahaa ee aan ka qaatay ciidamada itoobiya markii ay soomaaliya soo galeen sanadkii 2006.
Comments
Post a Comment