Kenya oo Somaliya ku eedeysay in Ciidanka Eritrea iyo Itoobiya la dooneyso Kismaayo

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray maqaal uu ku sheegay in danaha Kenya ee Soomaaliya ay halis ku jiraan arrintaasina mas’uul ka tahay madaxtooyada Soomaaliya.

Maqaalkan oo dhinacyo badan ka eegaya khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa inta badan xoogga lagu saaray hardanka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee la xiriira cidda maamuleysa Jubaland.
The Star ayaa sheegay in Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo heysta Baasaboor Kenyaan ah uu bilihii la soo dhaafay wadahadal kula jiray dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo uu doonayo in Ciidamo aan ka mid ahayn AMISOM ay geeyaan Magaalada Kismaayo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidamadaas ay kuwa Kenya kala wareegi doonaan Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo sidoo kalena guud ahaan Jubaland kala wareegayaan.
Maqaalka ayaa intaas ku daray in haddii sida Fahad iyo Farmaajo wax u wadaan ay u dhacdo meeshana laga saaro Axmed Madoobe ay danaha Kenya ee Soomaaliya halis galayaan.
Wargeyska ayaa sh
eegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdllahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan AMISOM, islamarkaana Maamulka Jubaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Taliye ku xigeenka NISA, saraakiil ka tirsan NISA oo kala ah Cabdullahi Kulane iyo Zakariye Ismaaciil ayuu Wargeysku sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Jubaland looga saari lahaa Kenya.
Dhinaca kale Wargeyska ayaa sheegay in Itoobiya oo ka faa’ideysaneysa fursad ay ku heli karto Dekadda Kismaayo ay aqbashay go’aankan.
The Star ayaa sheegay in Kenya oo damaca iyo dhaq dhaqaaqa Villa Soomaaliya ka falcelineysa ay Kenya qaadday tallaabooyin dhowr ah,laakiin ay shalay Soomaaliya uga jawaabtay si deggan.
Waxaa kale oo maqaalkan lagu sheegay in Golaha shacabka ee Soomaaliya ay gadaal ka riixayaan go’aan lagu doonayo in Ciidamada Kenya looga saaro Jubaland.

Comments

Popular posts from this blog